Albanese "miisaaniyada cusub waxay dajin doontaa mustaqbalka fog"

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa u dhigay miisaaniyada federaalka ee (bari) Talaadada 14 May lasoo shaacinayo in ay tahay mid dajinaysa mustaqbalka Australia.

News

Anthony Albanese, leader of the Labor Party. Source: Getty

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa u dhigay miisaaniyada federaalka ee (bari) Talaadada 14 May lasoo shaacinayo in ay tahay mid dajinaysa mustaqbalka Australia.

Isagoo la hadlaya asxaabta xisbiga Labor-ka kulan ay isugu yimaadeen qolka xisbiga ee aqalka baarlamaanka ee Canberra, Mr Albanese wuxuu sheegay in miisaaniyadani ay hagaajin doonto dheelitirka saxda ah ee u dhexeeya bixinta waxyaabaha hadda loo baahan yahay, sida kharashyada gargaarka nolosha ee dadka Australiyaanka ah, iyo higsiga tallaabooyinka muddada dheer.

Waxa uu sheegay in dawladdu ay hadda u adeegsanayso hantida dabiiciga ah ee Australiya si ay faa'iidada ugu fiican u helaan Australian-ka sanadaha soo socda.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad kulankaas ka jeediyey, waxaa ka mid ahaa hadaladiisii:

["Sidee ayuu u eg yahay dhaqaalaheenu shan, toban, labaatan sano gudahood?
Go'aamada aan gaarno tobankan sano waxay dejin doonaan Australia tobanaanka sano ee soo socda.
Khayraadkayaga ugu muhiimsan, dabcan waa dadkeena. Annaguna waan maalgelin doonnaa si aan u hubinno inay ka faa'iidaysan karaan fursadahan. Waxaan hubinaynaa in aan meel wanaagsan taaganahay, si aan uga faa'iidaysano meesha aan joogno 2024."]


Share
Published 13 May 2024 8:52pm
Source: SBS

Share this with family and friends